Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 21 Oktoobar 2023, qabsoomay Munaasabadda Xilwareejinta Agaasimaha Cusub ee Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) , Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Madaxda ugu sarayso Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo ay hugaaminayso Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka ahna ku simaha Wasiirka Caafimaadka Dr Maryan Maxamad Xuseen oo ay wehlinayaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr.Guleed Cabdijaliil, sidoo kale qaar ka mid ah Agaasima waaxyada Wasaaradda iyo lataliyaal sar-sare.
Munaasabadda waxaa ka soo qaybgalay Madax sare oo ka socotay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qaybaheed kala duwan sida Wasiiro, Xildhaibaano, Sanataro iyo Masuuliyiin kale oo sar-sare. Munaasabada xilwareejinta oo si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa maanta xilka loogu kala wareejiyay Agaasimihii hore ee Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) Mudane Cabdifataax Axmad Maxamad iyo Agaasimaha cusub Dr Xuseen Abukar Muxidiin oo hadda kadib hogaamin doona Machadka caafimaadka Qaranka.
Dhaamaan madaxdii goob jooga ahayd ayaa u mahadceliyay Agaasimahii hore sidoo kalana xusey howlihii adkaa ee uu ka soo qabtey Machadka Caafimaadka Qaranka, waxayna sidaasi si la mid ah u hambalyeeyay Agaasimaha cusub isla markaana la dardaarmey si uu u guto waajibaadka la saarey ee ah u adeegidda Bulsho waynta Soomaaliyeed.
Madaxda Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay Agaasimihii hore sidoo kalana soo dhaweyay Agaasimaha cusub ee machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) kuna dhiirigiyay inuu shaqada kasii wado halkii uu gaarsiyay Agaasimihii hore.