𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐚𝐲𝐚𝐚 Q𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 Madaxweynaha 𝐁𝐚𝐫𝐧𝐚𝐚𝐦𝐢𝐣𝐤𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐞𝐞 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧. 𝐀𝐡𝐧𝐚 𝐦𝐚𝐝𝐚𝐱𝐚 𝐠𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐨𝐝𝐤𝐚 𝐜𝐮𝐝𝐮𝐫𝐤𝐚 𝐝𝐚𝐛𝐞𝐲𝐬𝐡𝐚 𝐃𝐫 𝐂𝐡𝐫𝐢𝐬 𝐄𝐥𝐢𝐚𝐬.
Kulanka qaabilaada Waxaa qayb ka ahaa Ku Simaha Wasiirka Caafimaadka ahna Wasiiru Dowllaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamd Xuseen iyo Wasiir Ku xigeenka Wasaardda Caafimaadka Dr Maamad Xasan Maxamad, waxaana goobjoog ka ahaa Madax kasocotay Hay’addaha Caalamiga ah ee taageera hormarinta Caafimaadka ee WHO, UNICEF, UNFPA.
U jeeadada Kulanka ayaa ku aadanayd booqasho diiraadda lagu saaraayay xoojinta Xiriirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Hayadda Caalimga ah 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 oo taageero weyn ku bixisa Tallaslka Caruurta iyo Ciribtirka Cudurka dilaaga ah ee Dabeysha,
Booqashada Madaxweynaha Hay’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 Dr.Chris Elias ayaa ahayd maddii ugu horeysay ee uu soo booqdo dalka Soomaaliya oo hay’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 ay ka caawiyaan Soomaaliya ciribtirka cudurka dabeysha iyo horumarinta adeegyadda Caafimaadka dalka.
Booqashadan oo qorshaysnayd ayaa la rajeynaynaa inay waxweyn ku soo kordhin doontaa wadashaqeynta labada dhinac gaar ahaan kor u qaadi taageerada ay Hey’adda 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 ku bxiso ciribtirka cudurka dabeysh.