𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐄𝐞 𝐗𝐀𝐊𝐀𝐌𝐀𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐓𝐔𝐁𝐀𝐀𝐊𝐀𝐃𝐀.

Waxaa maanta shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, lagu meelmariyay Cahdiga Caalamiga ah Ee XAKAMAYNTA TUBAAKADA ee Qaramada Midoobay, kaas oo 168 dal horay u saxiixday, Shirka ayaa waxaa Shir Gudoomiyay Mudane Salah Ahmed Jamac Ra’iisal Wasaare Ku Xigernka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Meelmarinta heshiiska Xakameynta Tubaakada ayaa wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada JFS uga dhigan guulwayn taas oo lagu xaqiijinaayo caafimaadka bulshada sidookale lagu muujinaayo sida ay Soomaliya uga go’antahay tahay inay ka qayb qaadato xakameynta waxyeelada Tubaakada ku keento Caafimaadka Guud ee aduunka.

Kusimaha Wasiirka Caafimaadka Ahna Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS Dr. Maryama Mohamed Hussein uu shirkan ku wehlinayay Wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Dr Maxamed Hassan Mohamed Bulaale ayaa waxay uga mahadceliyeen Golaha Wasiirada meel marinta “Heshiiskaan”, una xaqiijinaysa inay kasii shaqayn doonto Wasaaradda dhameestirka waxyaabaha ku xiran Heshiiska xakameynta tubaakada iyo fulintiisa si loo yareeyo cudurada uu sababaan isticmaalka tubaakada”.ah mid sarreeya.

 

Previous Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa maanta daahfuray mashruuca horumarinta Caafimaadka Gabdhaha iyo Haweenka.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES