𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐚𝐫𝐲𝐞𝐞𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚 𝐨𝐨 𝐚𝐡𝐚𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐠𝐮𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐇𝐎/ 𝐄𝐌𝐑𝐎 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝟕𝟎-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐇𝐎/ 𝐄𝐌𝐑𝐎.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumada Federaalka H.E Dr. Ali Haji Adam oo ahaa shir gudoonka kulan weynaha 70-aad ee Hay,adda Caafimaadka aduunka WHO/EMRO ee ka dhacayay magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa soo xeray kulanka 70-aad ee WHO/EMRO.

Kulankan oo ay kasoo qeyb galeen Wasiirada Caafimaadka ee dawladaha ku midoobay Xafiis goboleedka EMRO, agaasimaha Guud ee Hey’adda Caafimaadka aduunka Dr. Tedros, agaasimaha guud ee xafiis goboleedka EMRO Dr Ahmed Almandari, Safiirka Soomaaliya ee Dalka Masar Danjire Ilyees Sheekh Cumar, madaxda Hey’adaha Qaramada midoobay ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka iyo marti sharaf kala duwan ayaa waxaa diirada lagu saarayey ka hortaga Cudurada faafa, talaalka Caruurta iyo daryeelka Hooyada & dhalaanka si loo helo bulsho Caafimaad qabta.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la wareegay hogaaminta shirka ayaa tan iyo intii uu socday madasha ka jeedinayey warbixino dhinacyo badan taabanayey oo ku saabsan muhiimada ay u leedahay u diyaar garowga xaaladaha Caafimaad ee deg dega ah iyo sidoo kale xakameynta Cudurada faafa, isagoo gunaanadkiina ugu baaqay wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka EMRO in ay iskaashi iyo wada shaqeyn kayeeshaan sidii loo tayeyn lahaa adeegyada Caafimaad ee ay Wasaaradaha Caafimaadka bixiyaan.

Dhamaan Dowladihii iyo Ururadii ka soo qeyb galey Kulan waynaha 70-aad ee Hey’adda Caafimaadka Aduunka WHO/EMRO ayaa bogaadiyey sida Soomaaliya sanadkan u hogaamisey madasha iyadoo Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Cali Xaaji aadan uu shirka u gardaadiyey hanaan cajiib ah oo sababtey in dhamaan Dowladuhu amaanaa Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn la gudoonsiiyey Bilad uu ku mutaystey hanaankii uu u shir gudoomiyey Madasha iyo maamulka guud ee shirka oo sanadka Soomaaliya ku guuleysatey hogaanka madasha.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

Previous 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚, 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞 𝐚𝐲𝐚𝐚 Q𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 Madaxweynaha 𝐁𝐢𝐥𝐥 & 𝐌𝐞𝐥𝐢𝐧𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐭𝐞𝐬 𝐅𝐨𝐮𝐧𝐝𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES