Xuska Maalinta Caafimaadka Dhimirka Aduunka Halku dhigga Sanadkaan: Aan Mudnaan gaar ah siino Caafimaadka Dhimrika iyo Badqabka Bulshadeena

Munaasbadda Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caafimaadka Dhimirka Adduunka ayaa si heer sara ah u qabsoontay taas oo ka dhacday Hoteel jaseera Mogadishu , Munsaabdda ayaa la qabtaa sanad walba 10 Oct , Munaasabadda ayaa ka duwaneed kuwii sanadkii hore , halku dhigga Sanadlkaan ayaa ahaa : #Aan Mudnaan gaar ah siino Caafimaadka Dhimrika iyo Badqabka Bulshadeena#

Waxaana Munaasabada ka soo qayb galay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda Dr Maryam Mohamud Hussein Iyo Wasiir-Ku xigeenka Wasaradda Caafimaadka Dr. Mohamed Hassan Mohamed sidoo kale Agaasimaha Waxaada Qalabka, Daawadda iyo Xarumaha Caafimaad Dr Abdulkadir Wehliye , iyo Madax kale oo iskugu jirtay Wasiiro , Culimada Soomaaliyeed, Dhakhaatiirta Soomaaliyeed qaar ka mid ah , Aqoonyahano, iyo Hay’addaha caalamiga, sidoo kale madax ka socotay isbitaalada gaarka loo leeyahay , madaxda jaamacadaha qaar ka mid ah , Dhamaan madaxda sare sare ee Munaabadda qaybta ka ahaa ayaa ka jeediyay hadla kooban oo ku aadan wacyigalinta Caaafimaadka dhimirka iyo sidii la iskaga kaashan lahaay wax ka qabashada Xanuun Dhimirka oo bulshadeena dhib badan ku haayo

Agaasimaha Ururka Caafimaadka Dhimirka Soomaaliyeed Dr Ahmed Shidane ayaa munaasbadda ka jeediyay kalmad qiimo leh taas oo la xaiirta in aan la tagoorin Bulshadda qabta Caafimaadka dhimirka kuwaas oo ku dhax nool Bulshadda Soomaaliyeed sidoo kalana loo heli lahaay isbitaalo gaar u ah oo lagula tacaalo xanuunada Maskaxada, Waxaa sidoo kale waxaa kalmad qiima badan ka jeediyay oo muhiim ah Wasiirkii hore ee Wasaardda Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Mudane Saciiid Jamac Qorsheel ayaa sheegay in ay muhiim tahay in si wadajir ah loogu kaco ka hortaga iyo xakamaynta xanuunada ku dhaco Dhimirka kaas oo ay aheed in madaxda ugu sarayso Dowllada ay siiyaan mudnaanta koowaad sidoo kalana laga hortago waxyaalaha maandooriyaasha ee laga soo dajiyo dalka, kuwaas oo u baahan go,aan wadajir ah laga qaato si loo badbaadiyo Bulshadda Soomaaliyeed

Ugu dambayntii Wasaradda Caafimaadka ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayay ka go,antahay wax ka qabashada iyo la tacaalida xanuunada ku dhaca Dhimirka kaas oo ay wasaardda diyaarisay Qorshaha iyo siyaasadda ee xakamaynta iyo ka hortaga Caafimaadka Dhimirka sidoo kale Wasaradda ayaa diyaarisay fariimaha gaarka ah ee loogu tala galay dadka qaba xanuunka Caafimaadka Dhimirka,

Wasiiradda Caafimaadka ayaa balan qaadeen in ay horay u sii wadi doonaan dadaalada loogu jiro yaraynta qatarta xanuunka ku dhaca Caafimaadka Dhimirka

#WorldMentalHealthDay2022

 

DHAMAAD

        

Previous Maalinta Caafimaadka Dhimirka Aduunka. Halku dhigga Sanadkaan: #Aan Mudnaan gaar ah siino Caafimaadka Dhimrika iyo Badqabka Bulshadeena#

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES