Wasiirka Wasraadda Caafimaadka Dr Cali Xaaji ayaa daahfuray qorshaha ciribtirka cudurka Dabeysha 2023

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Aden iyo la-hawlgalayaasha Caalamiga ee Hindisaha Ciribtirka Cudurka Dabaysha (GPEI), oo ay ku jiraan Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), UNICEF. iyo CDC Ameerika ayaa si Wadajir ah u daahfurey Qorshaha Waxqabadka Degdegga ah ee ciribtirka Dabeysha.

Isku-dubaridka dadaalada ciribtirka Cudurka dabeysha ee ku aadan yoolalka nidaamka Caafimaadka loo dhanyahay ayaa Soomaaliya si toos ah uga billaabanaya guud ahaan taas oo lagu sii xoojinayo adeega bixinta tallaalka joogtada ah.

Dhanka kale waxaa dhinac socon doona nidaamka lasocoshada Cudur goobka ee baaritaanada shaybaarada, iyo la socodka Cudurrada looga hortagi karo tallaalka, maadaama ujeedadu tahay xakameynta faafitaanka cVDPV2, si goor hore looga jawabo xaaladaha degdegga ah.

Arintan ayaa horseedi karta ka jawaabista wax kasta oo mustaqbalka ah ee ku saabsan dabaysha iyo cudurrada kale ee laga hortagi karo ee ka jira dalka isla markaana dhibaato ba’an ku haya Bulsha waynta Soomaaliyeed, dhaqangelinta qorshaha kala guurka ee dabaysha ayaa noqonaya tallaabadii ugu fiicnayd abid maadaama Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ay muhiimad gaar ah u lee dahay babaadinta Jiilka Mustaqbalka dhow iyo kan fogba.

Dadaalladani waxa ay Soomaaliya ka taageeri doonaan sidii ay u gaadhi lahayd una waafajin lahayd shaqada hadda jirta ee ciribtirka dabaysha iyo himilooyinkeeda horumarinta qaranka sida Qorshaha Horumarinta Qaranka (NDP) –9, khariidad lagu gaaro caymiska Caafimaadka Caalamiga ah, Xidhmada Aasaaska Adeegyada Caafimaadka (EPHS) 2020, Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Ajendaha Tallaalka ee 2030-ka.

                                                                                          END

   
Previous Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa daahfuray qorshaha ciribtirka cudurka Dabeysha 2023