Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur ayaa booqday Isbitaalka De-martino

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur ayaa booqasho indha indheyn ah oo ugu kuur galaayay xaaladaha Caafimaad  ayaa ku tagay Isbitaalk guud ee De-martino. Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame iyo wafdigiisa ayaa waxaa Isbitaalka ku soo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Isbitaalka De-martino Dr Abdirisak Yusuf (Dr Jalaludiin) isaga oo warbixin dhameystiran ka siiyay ergayga xaalada isbitaalka oo haatan la tacaalaya bukaanadii ugu badnaa ee uu qaabilo kuwaas oo u badan dad dan yar ah oo ka soo barakacay abaaraha dalka iyo sidookale bukaano ka yimid gobolo fog fog oo dalka ah.

Ergayga ayaa inta badan booqday waaxyaha kala duwan ee bukaan jiifka Isbitaalka asaga oo indhihiisa ku soo arkay xaalada isbitaalka iyo bukaanadda jiifa. Isbitaalka De-martino ayaa ah isbitaal Dowladeed oo si lacag la’aan ku qaabila bukaanada kuwaas oo u badan dan yar aan awoodin inay iska bixiyaan lacagaha  Caafimaad.

Xildhibaan Abdiragman Abdishukuur ayaa u kuur galay xaaladaha isbitaalka iyo bukaanada nafaqo darrida ba’an qabo wuxuuna Dowlada, bulshada iyo Hay’adahaba ugu baaqay in la garab istaago Isbitaalka.

DHAMAAD

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur Warsame

Previous The Best Dating Sites To get Marriage

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES