Isbitaalka Forlanini waa isbitaal dowladeed oo hoos yimaada Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS. Waxaa dhistay dowladda Talyaaniga bishii Febraayo 1924-kii, waana mid ka mid ah isbitaallada ugu waaweyn magaalada Muqdisho ee Soomaaliya, baaxad ahaan waa 1.200 KM. Waxay ku taallaa gobolka Banaadir ee degmada Cabdul-casiis, waxayna awood u leedahay inay u adeegto 1.5 milyan oo qof. Cusbitaalku waxa uu ka kooban yahay saddex qaybood oo qayb ahaan shaqaynaysa oo u baahan dib u cusboonaysiin, iyo sidoo kale qayb degdeg ah oo dhawaan la dayactiray.