Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey Xeernidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka

𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨, 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟎𝟓 𝟐𝟎𝟐𝟑 – 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐅𝐞𝐝𝐞𝐫𝐚𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐞𝐞𝐥-𝐦𝐚𝐫𝐢𝐲𝐞𝐲 𝐗𝐞𝐞𝐫-𝐧𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪𝐝𝐚 𝐁𝐮𝐤𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚.

Ka dib kulankoodii toddobaadlaha ahaa oo ay maanta yeesheen. Kaas oo u hugaaminaayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Bare, Xeerkaan oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.

Golaha wasiirrada eee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey Xeernidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka , taas oo soo afjareeyso dhibaatooyin badan oo haysatay bukaannada soomaaliyeed oo aay kamid tahay hooyada ubaahan qaliin inay ku dhasho , Xeernidaamiyaha Xuquuda Bukaanka iyo shaqalaaha Caafimaada ee bixiya adeegga.

Xeerkaan ayaa xaqiijinaya xuquuqda bukaanka ubaahan adeegyada kala duwan ee Caafimaadka, uuna masuul ka yahay naftiisa ayadoo la raacayo habraaca saxda ah ee daaweynta.

Xeerkaan ayaa soo afmeeraya inay bukaano badan ee soomaaliyeed u dayacmaan go’aan qaadasho xumo, Xeerkaan ayaa sidoo kale adkaynaya adeegga degdegga ah Caafimaad inaan loo diidi karin bukaan u baahan.

Ugu dambayntii Xeerkaan ayaa noqonay xeernidaamiyihii kowaad ee sharciga mihnadlayaasha Caafimaada Qaranka ee Lr31.
DHAMAAD
Previous Somali One Health article entitled ‘Prioritization of zoonoses for multi sectoral, One Health collaboration in Somalia, 2023’.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES