H.E Dr Ali Haji Adam ayaa gudoomiyay kulan lagu dooranayay Agasimaha Guud ee xafiiska Gobaleedka Hay’ada Cafimaadka Aduunka.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukumada Federaalka Somaliya H.E Dr Ali Haji Adam ayaa gudomiyay kulan lagu dooratay Agasimaha Guud ee xafiiska Gobaleedka Hay’ada Cafimaadka Aduunka EMRO.

Doorashada oo ay ku tartameen afar musharax ayaa waxaa codeeyay labaatan Dowladood oo kamid ah dalalka ku bahoobay EMRO.

Dr. Hanan Balkhy oo u dhalatay wadanka Saudi Arabia ayaa ku guuleysatay Xilka Agaasimaha Guud ee Xafiis Goboleedka Hay’adda Caafimaadka Aduunka EMRO muddo shan sano ah iyada oo xilka kala wareegi doonta Dr Ahmed Almandari oo ahaa Agaasimaha Guud ee Hay’adda Caafimaadka Aduunka Xafiis Goboleedka EMRO.

Dr Hanan Balkhy ayaa ah khabiir muddo dheer ka shaqeysay ka hortagga iyo xakameynta Cudurada faafa, waxayna xilal kala duwan ka qabatay Wasaarada Caafimaadka sucuudiga iyo Hay’adda Caafimaadka Aduunka.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Adam ayaa u hambalyeeyay kuna soo dhaweeyay Dr Hanan Balkhy xilka Agaasimaha guud ee Urur goboleedka EMRO asaga oo u rajeeyay Horumar iyo Guul.

Previous 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐨𝐨𝐫𝐭𝐞𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫 𝐠𝐮𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟕𝟎-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐇𝐞𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐖𝐇𝐎/𝐄𝐌𝐑𝐎.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES