Hay’ adda Qatar Charity oo bilowday adeegyo caafimaad oo ay ku caaawineyso dadka ka qaba dhibaatooyinka caafimaad ee xubnaha muhimka ah

Wasiiru Dowlaha Wasaarada Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada H E  Dr. Maryama Maxamed Xusseen ayaa Hotel Decale kaga qeebgashay Daahfurka Olole dhanka caafimaadka ah oo looga hortagayo caqabadaha caafimaad ee ka jira Soomaaliya.

Hay’ adda Qatar Charity oo bilowday adeegyo caafimaad oo ay ku caaawineyso dadka ka qaba dhibaatooyinka caafimaad sida indhaha, wadnaha iyo faruuranka ee aan iska bixin karin qarashaadka caafimaadka.

Ka faa’iidaystayaasha ololahaan ayaa waxaa kamid noqon doona 2500 Kiisaska cudurrada indhaha, 150 Qalliinnada dibinta/faruurta dillaacsan, 30 Qalliinka carruurta qabta xanuunada wadnaha ee lagu dhasho, 200 Kiisaska bukaannada qaba cudurrada daba-dheeraada, 1200 Daaweynta Carruurta ay hayso nafaqo-xumo ba’an.

Goobaha Mashruucan laga fulinayo waxaa kamid noqondoono Maamulada Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Gobalka Banadir, waxaa sidookale kawada shaqeen doon Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasaaradda Caafimaadka ee heer Maamul Goboleed, Isbitaalka Demartino iyo sidokale Isbitaalada dadweynaha ee ku yaala meelaha laga fulin doono ololaha.

Sidookale waxaa goob joog ahaa Gudomiye xigeenka arimaha bulshada ee maamulka Gobalka Banadir, dhaqaataiir ka kala socotay isbitaalada guud iyo kuwa gaarka ah iyo Safiirka Dowlada Qatar oo ololahaan dhaqan galineesa ayadoo lasoo mariyay hayada Qatar Charity.

H E  Dr. Maryama Maxamed Xusseen ayaa uga mahadcelisay Dowlada Qatar iyo shacakeeda garab istaaga ay u muujiyeen umada Somaliyeed ayadoona ka dhawaajisay in ololahaan ay ka faaiidesan doonaan 4080 bukaan ayadoona ay fududeenta shaqadaan leedahay wasaarada Cafimaadka iyo daryeelka Bulshada.

 

Previous Golaha wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey Xeernidaamiyaha Xuquuqda Bukaanka iyo Shaqaalaha Caafimaadka

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES