Imaanshaha talaallka Turkiga (290,400 doos SINOVAC).

Waxaa maantay dalka soo gaaray deeq talaal ah oo ay Dowdlada Turkiga ugu deeqday Dalka Soomaaliya taasoo aya maanta guddoontay Wasaaradda Caafimaadka ee XFS. Deeqdan tallaalka ah ee ka timid Daowlada aan walaalaha nahay ee Turkiya  ayaa qayb ka ah dadaalada heer qaran ee  loogu jiro ka hortaga Caabuqqa COVID-19 oo wali  Caaamka  kusii hay dhibaato xoogan.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u qorsheysay inay soo gaarsiiso 1 million oo doos oo ah talaaalka Covid-19 (SINOVAC) iyadoo maanta oo taariikhdu tahay 22 Maarso soo gaarsiisay dalka qaybteedii koowaad oo ka  kooban 290,400 doose.

Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet Yılmaz ayaa deeqda tallaaka ah ku wareejiyay Dowllada Soomaaliaya; Munaasabada Wareejinta tallaalka waxaa goob joog ka ahha Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Wasiir ku xigeenak Wasaaradda Caafimaadka, Agaasimah Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Saraakiil kale.

Previous Warshada Oksijiinka dhalisa oo laga daah furay Isbitaalka DeMartiini.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES