Previous slide
Next slide

KU SAABSAN CUDURKA CORONAVIRUS (COVID-19)

COVID-19 siyaabo kala duwan ayuu u saameeyaa dad kala duwan. Inta badan dadka cudurka qaba waxay yeelan doonaan jirro fudud ilaa dhexdhexaad wayna ka soo kabsan doonaan isbitaal la’aan.

Cudurka Coronavirus (COVID-19) waa cudur faafa oo uu keeno fayraska SARS-CoV-2. Inta badan dadka uu ku dhaco fayrasku waxay la kulmi doonaan jirro neefsasho fudud ilaa dhexdhexaad ah wayna ka bogsanayaan iyaga oo aan u baahnayn daaweyn gaar ah. Si kastaba ha ahaatee, qaar ayaa si xun u xanuunsan doona oo u baahan doona daryeel Caafimaad. Gaar ahaan dadka wa-weyn, iyo Dadka kale ee qaba xaalado caafimaad oo hoose sida cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, sonkorowga, cudurrada neef-mareenka, ama kansarka waxay u badan tahay inay qaadaan cudurro halis ah. Qof kasta wuu ku bukoon karaa COVID-19 oo si xun buu u bukoon karaa ama u dhiman karaa da’ kasta.

Sida ugu fiican ee looga hortagi karo loogana gaabin karo gudbinta waa in si wanaagsan looga warhayo cudurka iyo sida uu u faafo fayrasku. Naftaada iyo kuwa kaleba ka ilaali infekshanka adiga oo ka fogaanaya ugu yaraan 1 mitir kuwa kale, xidho af-xirka maaskarada si habboon, oo gacmahaaga dhaq ama isticmaal marka aad dhaqayso shaambo ama aalkohool. Is tallaal marka ay noqoto wakhtigaaga oo raac talooyinka qubarada Caafimaad.

Coronavirus_illustration

Ilaha Isgaarsiinta COVID-19

Fariimaha Wacyigelinta ee Covid-19

WAR-SAXAAFADEED

Goobaha laga helo Gobolka Banadir Talaalka Covid-19

Kaarka Tallaalka ka Hortaga Covid-19

Shahaadada Tallaalka ka Hortaga Covid-19

Media Briefing about COVID-19 Vaccination Rollout

War saxafadeed ku saabsan Talaalka COVID-19 8 Feb 2021

COVID-19 FAQ

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES