Ministry of Health and Human Services

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay hiigsaneysaa inay sare u qaaddo Caafimaadka Guud ee dhammaan dadka Soomaaliyeed, iyadoo oo ay ka go,antahay  hadafka dowladda ee ah Daboolista Caafimaadka Caalamiga ah iyo bedqabka caafimaad ee Bulshadda . Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS, iyadoo wada shaqayn dhow la leh Wasaaradaha Caafimaadka ee Dawladaha xubnaha ka ah Dowladda FDS, oo ay ku jiraan Somaliland, iyo hay’adaha horumarinta, waxay horumar la taaban karo ka gaadhay horumarinta nidaamyada Caafimaadka iyo joogtaynta hirgelinta isku-dhafka ah ee EPHS. In kasta oo 2009-kii EPHS uu horseeday horumarro la taaban karo oo laga gaaray bixinta Daryeelka Caafimaadka ee gobollada Wadanka , hirgelintiisa waxaa laga maray shaqa adag iyo dhibaatooyin si goboladda kala duwan loo gaaro.

Wadanku waxa kale oo uu wax ka bartay fulinta HSSP I (2013–2016) iyo HSSP II (2017–2021), iyo sidoo kale nidaamyo badan oo isbedelay oo hadda socda, oo ay ku jiraan Qorshaha Horumarinta Qaranka ee dib loo eegay iyo Qorshaha UHC. EPHS 2020 waxaa la filayaa in ay yareyso culeeska cudurada sare ee halista ah kuwaas oo sababab dhimashada, iyo naafaynta Bulshadda Soomaaliyeed , gaar ahaan haweenka, caruurta, barakacayaasha (IDPs), iyo dadka da’da ah.

Wasaaradda caafimaadka oo kaashanaysa hay’addaha iyo qaybaha ay khusayso xal u helida Caafimaadka Bulshadda Soomaaliyeed, waxa ay ku talo jirtaa in ay kor u qaaddo raasamaalnimada bani’aadamka, iyada oo horumarinaysa, isla markaana hirgelinaysa siyaasado firfircoon oo lagu xaqiijinayo kor uqaadista iyo Tayaynta  caafimaadka iyo nolosha dadka. Faafida COVID-19 ayaa sidoo kale xoogga saartay baahida loo qabo in kor loo qaado hawlaha Caafimaadka bulshada ee muhiimka ah si loogu hoggaamiyo kobaca Caafimaadka Guud

HADAFKEENA

Si loo gaaro Caafimaadka loo dhanyahay (UHC) iyadoo la hubinayo in loo bixiyo si loo simanyahay , la heli karo, oo hufan, la awoodi karo oo tayo leh adeegyada Caafimaadka iyo nafaqeynta taas oo u dhow bulshada iyo qoysaska intii suurtagal ah

ARAGTIDEENA

In Dhammaan dadka ku nool Soomaaliya ay gaaraan heerka ugu sarreeya ee caafimaadka, taas oo ah xuquuqda muwaadiniinta oo dhan, waana shuruud lagama maarmaan u ah qaranimada, taas oo ka qayb qaadata nabadda, iyo horumarka bulshada & dhaqaalaha.

QIIMAHEENA

HADAFKEENU

Si loo hagaajiyo xaaladda caafimaad ee dhammaan dadka ku nool Soomaaliya iyada oo loo marayo dejinta siyaasad wax ku ool ah oo hufan, abaabulka kheyraadka, la socodka iyo nidaaminta bixinta daryeelka Caafimaadka ee hay'adaha kala duwan ee Caafimaadka

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES