Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda:

Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda

Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda:

Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadam, iyo Wasiiru Dawllaha Wasaaradda Caafimaaka Dr. Maryam Mohamed Duliye ayaa maantay Xafiiska Wasaardda ku qaabilay Wafdi ka socday Ha’yadda UNCICEF oo uu hugaaminaayay La-taliyaha Caafimaadka UNICEF ee Wadamadda Bariga iyo Koonfurta Afrika Dr PAUL NGWAKUM, oo ay wehliyaan , Madaxa Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Milhia Abdul Kader, Maamulaha Mashruuca Tallaalka, Kyandindi Bonny. Sidoo kale Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Abdinasir Mukhtar Ibrahim iyo Agaasimayaal Waaxeed iyo Madax kale oo ka soctay Wasaaradda.

Kulanka ayaa ahaa mid Isbarasho iyo xog siin kooban oo la xariirta hawlaha Hay’adda UNICEF ay kawado dalka gaar ahaan Adeeg bixinta Caafimaadka; Hay’adda UNICEF ayaa si dhaw ula shaqaysa Wasaradda Caafimaadka ayadoo kaalin-weyn ka qaadatay habsami u socodka shaqada Wasaraadda iyo kor u qaadista tayada Caafimaadka dalka. Hay’adda UNICEF waxay taageertaa bixinta adeegyada Caafimaadka waxayna si buuxda uga hawlgashaa diiraddana saartaa adeegyada Caafimaadka gaar ahaan Adeega  carruurta iyo  haweenka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa Hay’adda UNICEF uga mahad celiyay taageeridda ballaaran ee ay ka gaysteen Adeeg bixinta Caafimaadka gaar ahaan meelaha ay sida xoogan uga taageereen Caafimaadka dalka sida Mashruuca Tallaalka oo wadanka si fiican loo gaarsiiyay, Tallaalka joogtada ah iyo ololaha tallaalka Covid-19 iyo soo iibinta qalabka qaboojiyaha si loo xoojiyo awoodda silsiladda qabow ee keydinta Tallaalada kala duwan.

Sidoo kale Hay’adda UNICEF ayaa taageerta qaybta Caafimaadka Hooyada & Dhallaanka, Xoojinta Nidaamka Xogta Caafimaadka iyo sida loo soo-bandhigo xogta ayadoo la maraayo nidmaaka (DHIS2), barnaamijka Nafaqada oo gar-gaar badan gaarsiiya hooyada iyo dhallaanka la-ildaran Nafaqa darrada.

DHAMAAD

Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda:Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda:

Previous Kulanka Isbarashada Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES