Kulanka Isbarashada Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka

Wasaaradda Caafimaadka ayaa manta qabatay shir Isbarasho oo dhaxmaray Wasiirada Cusub iyo dhamaan Agaasimayaasha Waaxyaha Madax Qeybaha iyo Maareeyaasha Mashaariicda Wasaaradda Caafimaadka

Waaxyaha qaybta ka ahaa shirka

  • Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha
  • Waaxda Caafimaadka Qoyska
  • Waaxda Caafimaadka Guud
  • Waaxda Qorsheynta iyo Siyaasada
  • Waaxda Qalabka iyo Daawada
  • Waaxada Maamulka iyo Maaliyada
  • Unugu Isku-Xirka iyo Fulinta Mashruuca Damal Caafimaad
  • Qeybta Gurmadka Degdega ah & Tiirarka Kajwaabida Cudur dilaaca Caabuqa Covid-19
  • Shaybaarka Qaranka

Dhanka kale Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka (NIH) iyo Xogahaya Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ayaa Wasiirka Warbixin kooban kasiiyay Shaqada Machadka iyo Goloha oo muddoooyinkii ugu dambeeyay hormar wayn ku tallaabsaday,

Kalmada Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Ali Haji Adan ayaa howladaneeda Wasaaradda uga mahadceliyay sidii kartida lahayd ee ay uga soo shaqeeyeen umada Soomaaliyeed, waxa uuna ku booriyay Inay sii laba laabaan dadaalka wacan.

Wasiirka cusub ayaa sheegay in isaga iyo Wasaiiraddiisa ay Masuul kayihiin oo kaliaya Hogaaminta iyo jihaynta siyaasadaha shaqo ee Wasaaradda iyo meelmarintooda balse dhaqaajinta shaqo maalmeedka ay xilweyn kasaarantahay  Howladeenada safka hore ee shaqada wada. Dhamaanteen waxaan la rabaa inaan danta guud ka hormarino danta shaqsiga, oo qof kastaa uu shaqadiisa u guto sida ugu hufan, markastana uu Allah kacabsado, Aniga iyo Wasiiradayda ila hogaamin doona Wasaaradda waxaa balan qaadaya inaana qofna la dulmin doonin oo qofkastaa heli doono waxa uu xaq iyo abaalmarinta shaqada uu qabto. Waxaan hubaa inay jiri karto kala duwanaasho mararka qaar balse wax kasto oo horey u dhacay waxaan soo jeedianya in la iska cafiyo oo aan dhamaanteen bog cusub furano; Qofkasta waxa uu leeyahay shaqo loo dhiibay oo masuuliyad ka saarantahay oo u gaar ah taas ayaana kuwada shaqeyn doonaa in qof kastaa uu qabto shaqadiisa. Waxaan halkaan u wada joognaa inaan si dhab ah ugu shaqayno Bulshadda Soomaaliyeed, oo qof kasta uu nafta u huro qaranka, qaasatana kaalintiisa shaqo sidaa daraadeed waxaan codsanayaa in qofka uu sugo shaqada uu mushaharka ku qaato si ay xalaal ugu noqoto musharka ku qaato shaqada (Ilaahay waxa uu jecelyahay in qofkii shaqa qabanayaa uu sugo shaqadiisa).

Dhanka kale Wasiiru Dowlaha Wasaarada Dr. Maryan Mohamed, ayaa u madacelisay Shaqaalaha Wasaaradda iyadoo sheegtay in Wasaaradda Caafimaadka ay haysato shaqaalo karti leh oo isu dhabar adeegay xaaladda badan.

Ugu danbeyntii Wasiir Dr Ali Haji ayaa markale u mahadceliayay Shaqaalah Wasaaradda, farayna in ay shaqadda horay loosiiwado  iyadoo la raacayo  nidaamka wadashaqeynta ee ku dhisan qaab dhismeedka ay Wasaaraddu ku shaqeyso.

DHAMAAD

Kulanka Isbarashada Wasiirka iyo Shaqaalaha Wasaaradda Caafimaadka  

Previous Xafladda Wareejinta Xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES