𝐌𝐮𝐧𝐚𝐚𝐬𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚, 𝟐𝟎𝟐𝟑. #𝐇𝐀𝐋𝐊𝐔 𝐃𝐇𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐒𝐀𝐍𝐀𝐃𝐊𝐀𝐀𝐍 𝐀𝐘𝐀𝐀 𝐀𝐇 “𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐦𝐢𝐫𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐱𝐮𝐪𝐮𝐮𝐪 𝐜𝐚𝐚𝐥𝐚𝐚𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐚𝐲 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐐𝐨𝐟 𝐰𝐚𝐥𝐢𝐛𝐚 𝐢𝐧𝐮𝐮 𝐡𝐞𝐥𝐨”
Munaasabada Xuska maalintan Waxaa goobjoog ka ahaa kusimaha Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maryan Mohamed Hussein, Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka XFS, Mas’uuliin ka socotey Maamulada Jaamacadaha, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo Marti sharaf kala duwan.
Ujeedada guud ee Munaasabada Maalinta Caafimaadka Dhimirka Adduunka waa in kor loo qaado wacyiga arrimaha caafimaadka dhimirka ee dalka oo dhan iyo in la abaabulo dadaallada lagu taageerayo caafimaadka dhimirka.
Kusimaha Wasiirka ahan Wasiiru Dowllaha Wasaaradda caafimaadka ayaa sidoo kale balan qaaday in isbitaalka laansareeti loo dhisi doono qeeb bukaan jiif oo ugaar ah dumarka qaba xanuunada Caafimaadka dhimirka,sidoo kalena wasaarada Caafimaadka ay hada gacanta kuhayso sharciyada xakameenta dawooyinka taas oo wax ween kabadali doonta keenista iyo isticmaalka dawooyinka u isticmaalida qaabka darooga ah,
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida wacyi gelinta ka hortagga cudurada ku dhaca wadnaha iyo xanuunada kale iyo helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka Dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.