The 2ndbatch of health professionals who received training from the NIH and the Ministry of Health-FGS

Machadka Caafimaadka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa soo gaba-gabeeyay Tababar Caafimaad

Machadka Caafimaadka Qaranka ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada- DFS ayaa maanta tababar usoo gabagabeeyay dufacaddii 2aad ee xirfadlayaal Caafimaad oo ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah DFS. Tababarkaan oo ku saabsanaa ka hortagga iyo xakameynta cudurada faafa ayaa socday muddo 3 bilood ah; Tababarkaan oo ahaa mid heerkiisu sareeyo waxaa teegaradiisa bixiyay Hey’adda caawiya Wasaaradda iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ee kala ah, WHO, AFENET, GIS PHAS iyo CDC.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdinasir Mukhtaar Ibrahim ayaa soo xiray Tababarka isagoo xafladda xiritaanka ka sheegay in ay muhiim tahay in la helo xirfadlayaal leh aqoon taya sare leh kana shaqeeya ka hortagga iyo xakameynta cudurada faafa. Wuxuuna u mahad celiyay Hey’adaha taageeray tababarkaan. Sidoo kale , Agaasimaha Machadka Caafimaadka Qaranka Cabdifataax Diiriye Axmed oo ka hadlay xafladda xiritaanka ayaa sheegay in Machadka uu xooga saarayo tayeynta iyo kor u qaadida xirfadda Shaqaalaha Caafimaadka ee Dalka gaar ahaan kuwa ka shaqeeya ka hortagga iyo xakameynta cudurada faafa.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay wakiilo ka kala socday Hey’adaha qeybta ka ahaa tababarka heerka Sara ah iyogoo aad carabka ku adkeeyey muhiimada uu leeyahay tababarkaan, waxeyna ballan qaadeen inay sii wadi doonaan garab istaagga iyo taageerada ay siiyaan Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya.

END

The 2ndbatch of health professionals who received training from the NIH and the Ministry of Health-FGS

Previous Dhismaha habab caafimaad oo cimilada ku shaqeeya kaas oo deegaanka u wanaagsan