Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray banaadmijka ololaha dhiig shubidda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Ra’iisal Wasaaraha, XFS Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Golahiisa Wasiiradda ayaa maanta si wadajir ah u daahfuray banaadmijka ololaha dhiig shubidda oo ay ugu baaqeen Hay’addaha Dowllada iyo Shacabweynaha weynaha Soomaaliyeed in ay ka qeyb galaan barnaamijka dhiig shubidda ee lagu garab istaagayo Naftooda hurayassha Ciidankeena Qaranka iyo Ciidamada Deegaanka.

Ololahaay ay maanta daahfureen Madaxda Jamhuuriya Soomaaliya ayaa ka mid ah dadaalada lagu xoojinayo dagaalka ay Dowladu kula jirto Khawaarijta, kaasi oo loogu diyaar garoobayo culeysyada nasoo wajaha xilliyada ay dhacaan dagaalada gaar ahasn helidda keyd dhiig oo horay loo diyaariyay.

Olahaan waxaa si wadajira u hogaaminaya Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa Xafiisyadda Ra’iisal Wasaaraha. Xfiiska Madaweynaha. Maamulka Gobolka Benaadir iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, XFS waxay markasta heegan u tahay ka qeybqaadashada dadaalada dhanka Caafimaadka ah ee lagu garab istasgayo Ciidankeena Sooma jeestayaasha ah ee dhabarka u ritey ciribtirka iyo baabi’inta cadowga Umada Soomaaliyeed ku hor gudbanaa sanado badan.

Previous 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐚𝐧𝐬𝐢𝐱𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐡𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐥𝐚𝐦𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡 𝐄𝐞 𝐗𝐀𝐊𝐀𝐌𝐀𝐘𝐍𝐓𝐀 𝐓𝐔𝐁𝐀𝐀𝐊𝐀𝐃𝐀.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES