NHPC
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC)
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC) waa hay’ad madax-bannaan oo nidaamisa xirfad-yaqaanada Caafimaadka oo shaqadiisa muhiimka ah ay tahay inay bulshada ka ilaaliso ku-takri-falka adeega caafimaadka iyo horumarinta heerarka anshaxa ee xirfadlayaasha Caafimaadka Soomaaliya. Waxaa lagu aasaasay Xeerka Golaha Xirfadlayaasha Caafimaadka Qaranka, 2020 (LR. 31).
Hadafka NHPC waa:
- Diiwaangelinta iyo shati siinta dhammaan xirfadlayaasha Daryeelka Caafimaadka iyo nidaaminta hab-dhaqankooda xirfadeed
- Bixinta shatiyada xarumaha Caafimaadka ee u qalma in ay maamulaan adeegyada daryeelka Caafimaadka
- Machadyo tababar Caafimaad oo la aqoonsan yahay oo soo saara shaqaale Caafimaad
- U Oggolaanshaha ama diidmada kale ee barnaamijyada tababarka ee dhakhaatiirta Caafimaadka
- Xaqiijinta tayada adeegyada Caafimaad ee loo fidiyo Bulshada Soomaaliyeed
Wixii macluumaad dheeraad ah:
waxaad kala xiriiri kartaa iimaylkan nhpc@moh.gov.so
Xoghayaha Guud ee NHPC
Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka (NHPC)
Sawirada