Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH)
Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) waa wakaalad dawladeed oo madax-banaan oo ah hay’add sharci ah waxayna yeelan doontaa madax-bannaanida maaliyadeed, maamul, iyo farsamo, iyo sidoo kale u-qalmitaanka sharciga ah ee lagu sii wado dhammaan tallaabooyinka iyo shaqooyinka hubinaya gaaritaanka waajibaadkeeda. Sharci ahaanshiyaha iyo hab-raaca machadka waa in lagu saleeyaa qaab-dhismeedka hay’adaha kale ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa go’aan ku gaartay in la dhiso Machadka Qaranka ee Caafimaadka Soomaaliya (NIH), kaasoo hoos imaanaya Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya (FMoH), si loo xoojiyo nidaamka Caafimaadka bulshada ee Soomaaliya. NIH waa in ay bogaadisaa oo ay ka caawisaa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya himilooyinkeeda ku aaddan gaarista caymiska Caafimaadka caalamiga ah iyo horumarinta Caafimaadka dadweynaha iyada oo la raacayo Himilooyinka Horumarinta Joogtada ah, Ajendaha 2030 iyo Ajendaha Midowga Afrika ee 2063.
Machadka Qaranka ee Caafimaadka ayaa ah tiir muhiim ah oo Wasaaradda Caafimaadka u ah xoojinta hababka wax-ka-qabashada dalka maadaama uu xoojin doono hawlaha muhiimka ah ee ka hortagga, ogaanshaha, u diyaargarowga iyo wax ka qabashada cudurrada faafa iyo xaaladaha degdegga ee Caafimaadka bulshada. Dadaallada lagu yagleelayo NIH ee Soomaaliya waxa ay bilowdeen 2013. Waxa ay siinaysaa isu dheellitirnaanta saddexda waji ee (UHC) ee kala ah caymiska adeegyada, caymiska dadweynaha iyo ilaalinta maaliyadda, iyo in la waafajiyo jihada istiraatijiyadeed ee lagu dejiyay Qorshe-Qariiradda Soomaaliya ee ku aaddan Gaaritaanka (UHC) 2019- 2030.
Aasaaska Machadka Qaranka ee Caafimaadka wuxuu aasaasi doonaa nidaam Caafimaad oo hufan oo ka hortagi kara, ogaan kara oo ka jawaabi kara cudurrada dillaaca iyo hagaajinta natiijooyinka Caafimaadka iyo caawinta gaaritaanka yoolka (UHC) ee 80% marka la gaaro 2030ka.
Sannadkii 2018 dawladdu iyada oo u maraysa golaheeda-wasiiro ayaa ansixiyay in si rasmi ah loo sameeyo machadka ka dibna ay ansixiyeen Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda (FMOH) iyo ugu dambeyntii iyada oo loo marayo nidmaaka Wasaaradeed ee qeexaya doorka NIH ee loo xilsaaray. Machadka Qaranka ee Caafimaadka wuxuu isku dayi doonaa inuu wax ka qabto cilladaha ka jira waaxda Caafimaadka Soomaaliya iyo u qoondeynta agabka yaalo adeegyo Caafimaad.