XFS, ayaa ansixisay Hindise sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu Shir gudoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ansixiyay Hindise sharciyeedka Daawada iyo Badqabka Cunnada oo ay soo gudbisay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Hindise Sharciyeedkan ayaa soo marey heerar kala duwan maadaama uu yahay mid muhim u ah bulsha waynta Soomaaliyeed uuna fududeynayo ka warqabka Dawooyinka soogala Dalka iyo Cunnada iyadoo la hubinayo badqabkeeda si loo helo bulsha bedqabta oo laga warqabo waxa ay suuqyada ka iibsanayaan taas oo qeyb wayn ka qaadaneyso xal u helidda caqabada ka taagan Dawada iyo Cunnada soo galaya Dalkeena.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa ugu mahad celiyey Mudane Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Golahiisa Wasiirada meelmarinta sharcigan muhiimka u ah Bulsho waynta Soomaaliyeed sidoo kalena lafdhabar u ah tayeynta Caafimaadka Dalka.

                                                                                    DHAMAAD

Previous Shirka Golaha maamulk iyo Maareeyayaasha Barnaamijyada ee 45 wadan oo Africa ee ururka “AFENET” iyo Soomaliya