Ra’iisul Wasaare Xamse oo la kulmay Dhaqaatiirta Jabuuti oo qayb ka ah gurmadka dag-dag Caafimaad ee dhibaatada qaraxii KM5 Zoobe ka dhacay 29 Oct 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hugaaminaayo Wasiirka Wasraadda Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan oo koobnaa Dhaqaatiir ka socday dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay xasuuqii kooxaha khawaarijta ah ay ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Mudane Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

 

DHAMAAD

 

     

Previous Wasaaardda Caafimaadka ayaa WHO kala wareegtay deeq Dawo ah oo qeyb ka ah Gurmadka dhaawacyadii ka dhashey Qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES