Nairobi 9th Nov 2023
Shaacinta Mabaadii’da Iskaashiga & Midaynta Hawlaha Caafimaadka Dalka.
Wafdi uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dawlada Somalia oo isugu jira heer Federaal iyo heer Maamul Goboleed ayaa kulan heerkiisu sareeto magaaladdda Nairobi kula yeeshay Deeq bixiyaasha Caalamiga ah ee taageera Caafimaadka Soomaaliya; Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdi Jaliil ayaa kula kulanka kasoo jeediayay Mabaadii’da Iskaashiga & Midaynta Hawlaha Caafimaadka Dalka kaas si rasmi aha loogu shaaciyay.
Hannaanka midaynta maal-galinta midaysan ee nidaamka caafimaadka ayaa Wasaaradda Caafimaadku waxay ugu talagashay in si hufan loo mideeyo taageeradda dhaqaalaha gudaha iyo mida dibada ee lagu taageero adeega caafimaadka dalka guud ahaan.
Nuxurka Qodoba Mabaadii’da Iskaashiga & Midaynta Hawlaha Caafimaadka Dalka.
1. In la xoojiyo hanaanka hogaamineed ee dawliga ah
2. In la taageero samaynta hal qorshe-qaran oo uu yeesho nidaamka caafimaadku , kaas oo ay sal u yihiin qorshaha horumarinta qaranka iyo kan caafimaadka dalka.
3. Taageeridda iyo xoojinta hanaan suurta galiya isku xidhka is waafajinta maalgalinta gudaha iyo mida dibadda ee nidaamka caafimaadka dalka.
4. Xoojinta nidaamka kor joogtaynta ee warbixinda hawlaha caafimaadka.
5. In la mideeyo hanaanka dhaqaale ee nidaamka caafimaadka.
6. In la sameeyo gudi hoosaadyo farsamo oo kor usii qaada isku xidhka qaybaha adeegyada caafimaadka, wanaajiyana habsami u socodka shaqo ee nidaamka caafimaadka dalka.
Ugu danbayn dhamaan daneeyayaasha taagera Caafimaadka Somaaliya ayaa soo dhaweeyay qodobada kor ku xusan sidoo kale balana ku qaaday in ay taageeridoonaa.
Fadlan kala dag Document soo koobaya xogta shirka