Hormuud Salaam Foundation ayaa ku wareejisay Wasaradda Caafimaadka Jeega lacag oo dhan $200,000 oo ay kaga qayb qaadanayso gurmadka dag-daga

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ahna Guddoomiyaha guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxii KM5 Zoobe 2 ayaa Shirkadda Hormuud Salaam Foundation ka guddoomey Jeega lacag dhan $200,000 oo horey ay Shirkaddu u iclaamisey in ay kaga qeyb qaadaneyso Gurmadka dadkii ku dhaawacmey qasaarihii ka dhashey Qaraxii argagiso ee 29-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe.
wasiirka ayaa shirkadda Hormuud Salaam Foundation ugu mahad celiyey dowrka taariikhiga ah ee ay ka qaadatey gurmadka Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartey Qaraxyadii Zoobe maalmonka hor.
Wasiirka ayaa shir kadaha iyo Ganacsagada Soomaaliyeed ugu baaqey in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo sameynayo Walaalaha Soomaaliyeed ee qasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed kasoo gaadhey Qaraxyadii Zoobe ka dhacay 29-kii October ee Sanadkan.
DHAMAAD
Previous Wasaaradda Caafimaadka ayaa deeq qeyb ah ee Gurmadka Qaraxyadii KM5 Zoobe kala wareegey Dowladda Kenya

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES