UJEEDDO: FARRIIN IYO BAAQ KU AADDAN XARUMAHA CAAFIMAADKA EE GAARKA LOO LEEYAHAY

WAR-SAXAAFADEED

 

UJEEDDO: FARRIIN IYO BAAQ KU AADDAN XARUMAHA CAAFIMAADka EE GAARKA LOO LEEYAHAY

Wasaaradda Caafimaadka iyo Dareyeelka Bulashada iyada oo ka amba qaadayso waajibka qaran ee saaran ee u adeegidda Bulshada Soomaaliyeed duruuf kaste oo lagu jiro, isla markaan fulinaysa go’aanka Golaha Wasiirrada kasoo baxay ee ahaa in Hayadaha Dowladda ee ay khusayaso ay ka qayb-qaataan Gurmadka Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira argagixisada waxay ku guda jirtaa gudashada waajibka qaran ee kaga aadan howl-galladada.

 

Hadabo si Ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka kula jiro cadawga argagixisada ay u helaan adeegyada Caafimaad ee ay u baahanyihiin, waxay Wasaaruddu farriintaan si gaar ah ugu diraysaa Xarumaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee heerarka kala duwan inay si buuxda ugu adeegaan una qaabilaan dhaawacyada Ciidamada Xoogga Dalka ee goobahooda la geeyo, wasaaraddu waxay ka filaysaa Xarumaha Caafimaadka inay farrinaatan si dhab ah u dhaqan galiyaan.

 

Wasaaraddu waxay ku dadaali doontaa inay si gaar ah isaga xil saarto raadinta iyo diyaarinta agabka, dawada iyo guud ahaan adeegga Caafimaad ee ay u baahanyihiin Ciidamada Xoogga Dalka ee ku howlan xoraynta qaranka.

 

DHAMAAD

Talaado, 27, September 2022

Previous Waxaa soo dhamaaday kulan u dhaxeeyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Deeq bixiyayaasha taageera Adeega Caafimaadka ee dalka.

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES