Wafdigan oo uu hogaaminayo Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug oo maalinta berito ah uu kafurmi doono Shirka 5-aad ee Wadatashiga Wasaaradda Caafimaadka XFS iyo Wasaaraddaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo qaar ka mid ah Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowlad goboleedka Galmudug iyo Madaxda kale ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey Wasiirka iyo wafdigii uu hogaaminayey ee maanta soogaaray xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.