Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay shirka Wakaaladda CDC Africa

Wafdi uu hugaaminaayo Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Caafimaadka oo ka qaybgaly Shirka Wakaaladda CDC Africa

Wafdi uu hogaaminayo Wasiir-kuxigeenka Wasaaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda eeXFS, ayaa ka qeyb galay shir ay soo qabanqaabisay Wakaaladda CDC Africa taasoo lagu dhisaayay Guddi heer Wasiiro ah kuwaas oo marjac u ah Wakaaladda CDC Afrikada bari oo ka kooban 14 wadan. Madasha Guddiga fulinta ee CDC da Afrikada bari ayaa waxaa si rasmi ah guddoomiye loogu doortay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya, taas oo uu ku matali doono Wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada. HE: Dr. Mohamed Hassan Mohamed, laga billaabo maanta wuxuu hogaamin doonaa Wakaaladda Xarunta Isku xirka CDC ee Bariga Afrika (CDC East Africa Coordination Center), iyo Guddigeeda sare ee heer wasiiro.

 

Guushaan ayaa qeyb weyn ka ah Dadaaladda ay Soomaaliya ka sameysay fagaarayaasha Caafimaadka ee Dunidu ku wadaagto warbixinadda iyo horumarada Caafimaadka aduunka. Arintaan ayaa fursad siin doonta si ay galangal ugu yeelato fadhiyada lagu gorfeeyo Caafimaadka ee heer gobol iyo Guud ahaan kan Caalamka.

DHAMAAD

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgalay shirka Wakaaladda CDC Africa

Previous Kulan Isbarasho ee Hay’adda UNICEF iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasiiru Dowllaha Wasaaradda

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES