At DeMartini Hospital, an oxygen-generating facility was inaugurated.
Date: 17 March 2022
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ay wehliyaan Safiirka Midowga Yurup ee Soomaaliya, Ku Xigeenka Ergeyga gaar ka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Madaxa Ururka Caafimaadka Aduunka (WHO ) ee Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee isbitaalka DeNartiini ayaa maanta siwada jir ah u daahfuray Warshad Oksijiinka dhalisa taas oo ay maalgaliyeen Midowga Yurup iyo Hay’ada WHO lagana hirgaliyay isbitaalka DeMartiin ee Magaaladda Muqdisho.
Warshadaan ayaa dhismaheeda la bilaabay waqtigii Covid 19 uu sida xun ugu dhuftay Soomaaliya si xal loogu helo Oksijiin la’aan dad badan naftooda galaafatay waxaana daahfurkeedu yareyn doonaa dadka u naf waaya Oksijiin xumada marka ay xaalad Caafimaad yari soo wajahdo.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka oo khudbad ka jeedisay daahfurka ayaa aad ugu amaantay kaalmada ay Hay’adaha Caalamiga la garab istaageen dadka Soomaaliyeed si loo buuxiyo baahiyadaan ay dadka Soomaaliyeed xanuunkeeda soo arkeen waqti aan wax laga qaban karin. Wasiir Fawziya ayna balan qaaday in si hufan oo lacag la’aan ah bulshada lagu gaarsiin doono Oksijiinta.
Warshada ayaa ah mid aad u balaaran waxa ayna soo saari kartaa xadi badan oo oksijiin ah ayada oo noqoneysa warshadii labaad ee Oksijiin ah taas oo loo daahfuro isbitaalka Martiini.