𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝟑𝟎 𝐒𝐞𝐩𝐭𝐞𝐦𝐛𝐞𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟑 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐖𝐚𝐝𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐀𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐞𝐲 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨.
Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xukuunadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Maryama Maxamed Xuseen, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS H.E Maxamed Barre Xubno ka socday labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Agaasimayaal ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka, Dhaqaatiir aqoon yahano iyo bahda Caafimaadka.
Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigey sidii wax looga qaban lagaa xanuunada ku dhaca Wadnaha iyo sidii loo sii xoojin lahaa wacyi gelinta bulshada Soomaaliyeed ee ku aadan sidii looga hortagi lahaa Cudurkan islamarkaana loo heli lahaa tallooyin Caafimaad oo ku saabsan ka hortagga Cudurada ku dhaca Wadnaha.
Madasha Xuska maalinta Wadnaha Aduunka waxaa lagu soo bandhigey fariimo, daraasado, iyo cilmi-baarisyo kala duwan oo ku saabsanaa sida loogu hortagi karo cudurada ku dhaca Wadnaha iyo sidoo kale sidii loo xoojin lahaa wacyi-gelinta ka hortagga Wadna xanuunka.
Dr Xamdi Maxamuud Cismaan maamulaha Barnaamijka Cuduradda aan la kala qaadin oo qaadatey kalmadda Soo dhawaynta Xuska maalinta Caalamiga ah ee Wadnaha ayaa u mahad celisey Dhaqaatiirta iyo madaxdii kasoo qeybgashey munaasabadda waxayna si gaar ah ugu mahadcelisey Isbitaalka Redsea oo kaalin mug leh ka qaatey isku soo daba ridka munaasabadda Xuska maalinta Wadnaha Aduunka oo sanadkan si wayn looga xusey Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in muuhiim ay tahay maalgashiga dhanka Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan bulshadeena, waxa uuna sidoo kale bulshada Soomaaliyeed ugu baaqey in ay markasta wacyi ahaan u diyaarsanaadaan sidoo kalena ku kalsoonaadaan Dhaqaatiirtooda Soomaaliyeed oo marba marka ka dambeeysa samaynaya horumar ballaaran oo dhanka Caafimaadka ah.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an sare u qaadida wacyi gelinta ka hortagga cudurada ku dhaca wadnaha iyo xanuunada kale iyo helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.
DHAMAAD