Wasaaradda Caafimaadka oo kulan la qaadatay Wafdi sare oo kasocday Hay’adda World Vision.

Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen oo wehelinayaan Wasiir ku Xigeenka HE. Dr. Mohamed Hassan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dr. Abdinasir Mukhtar iyo qaar kamida Agaasimayaasha Waaxaha ayaa kulan laqaatay Wafdi sare oo kasocday Hay’adda World Vision.
Hay’adda World Vision oo Wasaaradda kala shaqeysa qeybta mashruuca Qaaxadda (The National TB program) ayaa wasaaradda uga mahadceliyay wadashqeynta iyo Iskaashiga shaqo ee marwalba ay kahlaan Wasaaradda Caafimaadka. Dhanka kale Wasiiru Dowlaha ayaa Hay’adda World Vision ka dhageysatay Warbixin ku aadan adeegyada ay ka caawiyaan Wasaaradda iyo shacabka Soomaiyeed ee daawada joogtada ah kahela Xanumaha lagu daweeyo qaaxadda.
Sidoo kale waxaa kalmado koob kooban qaatay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha Guud oo sidoo kale ka mahadceliyay Shaqada ballaaran ee Mashruuca daaweynta qaaxadda.
Ugu dambayntii Wasiiru Dowllaha ayaa uga mahad celiyay Madaxda Hay’adda World Vision iyo Dhamaan Mashruuca daaweynta qaaxadda sida wanaagsan ee ay ugu adeegaan Bulshadda iyo dhabar adeega ay u muujiyeen si ay caawiyay bukaanadda ka faa’iidaysta ay gacanta ku hayaan
DHAMAAD
 
Previous Wasiirka Caafimaadka oo ka qaybgalay shir heer sare ah oo looga tashanayo wax ka qabashada il ma aragtada adkaysiga u leh dawooyinka

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES