Wasaaradda Caafimaadka XFS oo maanta qabatay Xuska Todobaadka Naas-nuujinta Aduunka 2022

Wasaaradda Caafimaadka oo qabatay Xuska Todabaadka Naas-niijinta Aduunka 2022

XUSKA TODOBAADKA NAAS NUUJINTA.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda oo ay hugaaminayso Wasiirka Caafimaadka Drs fawziya Abikar Nur ay manta qabatay munaasabad lagu daahfurayo Xuska Todobaadka NAAS NUUJINTA ADUUNKA. Munaasabada waxaa horjoog u ahaa manta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Fawziya Abikar Nur oo ay Wehliyaan Wasiiradda Wasaaradda Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Marwa Xanifa Mahamed Ibrahim iyo Senator Zamzam Dahir. Munaasabda waxaa kaloo kasoo qaybgalay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobola Banadir Mr Mahamed Adow, howlwadeenadda Wasaaradda Caafimaadka, Xubno katirasan Ururadda kala duwan ee Xirfadleyda Caafimadka, Agaasimayaasha Cisbitaaladda, Hay’adahha ka shaqeeya Nafaqadda, Ururka Haweenka Soomaliyeed iyo Bulshadda Rayidka.
Ujeedka Munaasabada ayaa ku aadanayd sidii kor loogu qaadi lahaa baraarjinta bulshadda iyo wacyigelinta muhiimadda ay leedahay naasnuujinta iyo garab istaaga hooyadda ee naasnuujinaysa. Waasaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadu waxay ku talinaysa in naas-nuujintu ay bilaabato saacadda ugu horeyso marku ilmaha u dhasho, waana in uu helaa naas-nuujin aan barax lahayn 6da bilood ee ugu horaysa.

HAL KU DHIGGA SANADKA 2022

Baaqa sanadkan 2022 wuxuu taageerayaa hal ku dhigga ku qotoma odhaahdan, “Aan u Istaagno Naas-nuujinta”
BAR OO TAAGEER.
Naas-nuujintu waxay ilmaha siisaa bilow nolaleed oo wanaagsan waayo waxay ilmaha u suurta galisaa koriimo caafimmad leh.
Dhamaad
Wasaardda caafimaadka oo qabatay Xuska Todobaadka Naas-nuujinta Addunka 2022
Previous Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan dhanka abaaraha iyo bini’aadanimadda Mudane Cabdiraxman Cabdi Shakuur ayaa booqday Isbitaalka De-martino