Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyey dhaqaatiir u dhalatay Dalka Turkiga oo ay horey wasaaradda u codsatey in naloo soo diro si ay uga qeyb qaataan gurmadka daweynta dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii Argagixiso ee 29-kii October ka dhacay isgoyska KM5 Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirka waxaa soo dhawaynta Dhaqaatiirta ku wehliyey Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Xumuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Maryama Maxamed Xuseen, Sidoo kale Safiirka Dalka Turkiga, Guddoomiyaha guddiga gurmadka Wasaaradda agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda, Xubnaha Guddiga Gurmadka Qaran ee Xukuumadda iyo Mas’uuliin kale.
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u codsatey in halkii dhaawacyada la qaadi lahaa waqti dheer ka dib in badalkeeda dhaqaatiir taqasus u leh Kiisaska halista ah la keeno dalka taas oo fursad kale u ah in dhaqaatiirta Dalkeena ay hellaan qibrado ku filan oo bari looga maarmi karo kiis walba in dibadda loo qaado.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Afar kiis oo ay soo gudbiyeen Isbitaalka Erdogan Ex Digfeer lagu qaadey diyaarad Amblance ah oo ay soo direen, Wasiirka ayaa sheegey in Dowladda Soomaaliya aysan dalban dhaawacyo dibadda loo qaadayo taa badalkeedana ay qaateen go’aan ah in Dowladaha Walaalaha ah laga dalbado dhaqaatiir taqasus u leh Kiisaskii u baah naan lahaa in Dalka Dibaddiisa looqaado.
Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa u mahad celiyey Dowladda turkiga oo dhaqaatiirtii ugu horeysey usoo dirtey kadib baaqii Wasaaradda Caafimaadka ee ku aadanaa in Soomaaliya loo soo diro khuburo Caafimaad oo taqasus u leh Qaliida Dadka gubtey iyo Kiisasta adag ee aan dalka waxba looga qaban karin
DHAMAAD











