Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamad Xuseen ayaa daah furtay mashruuca Mida-Finsom wajigiisa sadaxaad.

Mashruucaan ayaa Waxa Isla fulinaayaan Wasaaradda Caafimaadka, Hay’adda IOM iyo Dowlada Finland.
Mashruucaan ayaa u jeedkiisa yahay in sara loo qaado bixinta adeega caafimaadka gaar ahaan hooyada iyo dhalaanka iyo sidoo kale in kor loo qaado xirfada shaqaalaha caafimaadka ee ka hool gala isbitaalada Dowlada.
Waxaa la shaqaaleesiin doonaa qubaro caafimaad oo iskugu jira dhaqaatiir aqoon sare leh kuwaas oo ka imaan doono dalka iyo dibada.
Shirkaan waxaa ka soo qayb galay wasaarada Caafimaadka Federaalka, kuwa dowlad Goboleedyada, Hay’adda UNFPA, WHO iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay. Wasiiru dowlaha ayaa balan qaaday in ay mashruucaan si hufan u fulin doonaan.
DHAMAAD
       Wasiir dowlaha wasaaradda Caafimaadka Dr Maryan Maxamad Xuseen ayaa daah furtay mashruuca Mida-Finsom wajigiisa sadaxaad.
Previous Wax badan ka ogaaw Daahfurka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ee Soomaaliya

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES