Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS ayaa maanta daahfuray mashruuca horumarinta Caafimaadka Gabdhaha iyo Haweenka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xildh. Dr. Mohamed Hassan Mohamed Bulaale ayaa maanta daahfuray mashruuca horumarinta Caafimaadka Gabdhaha iyo Haweenka oo ay sida wadajir ah u fullinayaan Hay’addaha UNFPA, UNICEF Iyo Wasaaradda Caafimaadka, waxaana maalgeliyay Hay’adda Kaalmadda Caalamiga ah Maraykanka USAID.

Wasiir Ku xigeenka ayaa sheegay in loo baahanyahay in sifiican looga faaiidaysto mashruuca islamarkaana ay muhiimta in aysan si wadajir looga wadashaqeeyo haqabtirka baahiyaha Caafimaad ee gabdha iyo haweenka. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in aysan xal waara ahayn mashaariicyadda waqtiyadda gaaban oo loo baahanyahy qorshe fog oo sida wadajir ah wax looga qabto baahidda caafimaad ee Gabdha iyo Haweenka.

Mashruucan waxa uu diiradda saarayaa sidii wax kaqabashada caqabadaha hortaagan helitaanka adeegyadda Daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Qaybaha muhiimka ah waxaa ka mid ah tababarka umulisada, Kordhingta Joogitaanka xarumaha daryeelka ee ay umulisadu hogaamiso, ololeyaal wacyigelineed, iyo kuwo kale, iyada oo ujeedadu tahay in la kordhiyo qaadashada adeegyada daryeelka hooyada, dhalaanka, iyo ilmaha.

Previous H.E Dr Ali Haji Adam ayaa gudoomiyay kulan lagu dooranayay Agasimaha Guud ee xafiiska Gobaleedka Hay’ada Cafimaadka Aduunka.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES