Wasiirka Caafimaadka ayaa daahfuray kulan baaq ah oo ku saabsan wax ka qabashadda Cudurka dabaysha.

Wasiirka Wasaraadda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda HE. Drs Fawziya Abikar Nur, ayaa furtay kulan 3 maalmood ah kaas  oo ka  dhacaya magaalada Nairobi. Kulankan ayaa ah baaq ku saabsan wax ka qabashada cudurka dabeysha nuuciisa 2aad oo ka dilaacay gudaha dalka Soomaaliya. Wasiiradda ayaa isla goobta kulanka ku saxiixday baaq ay u dirtay daneeyayaasha Caafimaadka Soomaaliya oo ay goobjoog ka ahaayeen  Hay’adaha @WHO, @UNICEF, @BMGF, @CDC.

Wasiir Fawziya ayaa tiri “Iyadoo lagu jiro xaalad abaareed oo ka jirta dalka oo idil, isla markaana laga soo kabanayo dhibaatadii Caabuqa COVID-19, hadna daneeyayaasha Caafimaadka dalka waa inaysan ilaawin sida ay muhiimka u tahay in la xakameeyo cudurka dabeysha ee socda si uusan u sii faafin oo uusan saameyn ugu yeelan noloshii carruur badan Soomaaliyeed,”

Wasiir Fawziya ayaa sii raacisay “Munaasabadan awgeed, waxaan jeclaan lahaa inaan mahad-naq balaaran u jeediyo dhammaan bah-wadaagtayada, iyo deeq-bixiyeyaasha, dadaalka baaxadda leh ee ay u galeen sidii malaayiin caruur Soomaaliyeed ah looga ilaalin lahaa cudurka dabeysha sannadihii lasoo dhaafay.”

Previous Imaanshaha talaallka Turkiga (290,400 doos SINOVAC).

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES