Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mid noqday Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dhiiga u shubey Shacabkii shalay ay xasuuqeen Argagixisada ee dhibaatada soo gaadhay.
Wasiirka ayaa sidoo kale soo kormeerey sida ay u socdaan howlaha gurmadka ee looga gurmanayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaawacmey Qaraxyadii is xigxigay ee nabadiidka ay ka gaysteen xarunta Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku taala Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa howl wadeenada xarunta gurmadka Qaran ee Masiibadii Zoobe ka xog wareystey halka ay howluhu marayaan isagoo tagaya goob kasta oo ay ka socoto howlaha gurmadka.
Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyey howlaha muhiimka ah ee ay hayaan bahda Caafimaadka iyo Daryeelka oo isugu jiro kuwa dowladdu maamusho iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Shaley ilaa maanta u taagnaa badbaadinta iyo baxnaanada Shacabkii masaakiinta ahaa ee shaley Argagixisadu ku xasuuqdey Muqdisho.
DHAMAAD