Wasiirka Caafimaadka ayaa khudbad ka jeediyay madasha 76aad ee Golaha caafimaadka Adduunka kaas oo looga hadlayay muhiimadda Caafimadku u leeyahay nabada

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya iyo daryeelka H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa khudbad ka jeediyay madasha 76aad ee Golaha caafimaadka Adduunka kaas oo looga hadlayay muhiimadda Caafimadku u leeyahay nabadaba.

Shir-geesaadkaan ayaa qayb ka ahaa shirar geesaad ka garab dhacaya shirka Madasha Caafimaadka Adduunka ee ka socda Xarrunta Qaramadda Midoobay ee magaalada Geneva ayaa waxaa soo abaabulay Dowladaha Cumaan iyo Switzerland.

Waxaa shirkan kasoo qayb galay Wasiiro Caafimaad oo ka kala socday Wadamada Central African Republic, Sierra Leone, Cameroon, Omaan, Tunisia & Colombia. Waxaa dhanka kale shirka kasoo qayb galay Hay’addo farabadan oo ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka.

Shirkan ayaa wadankeena Soomaaliya wuxuu u lahaa muhiimad gaar ah waayo wuxuu indhaha beesha caalamka kusoo jeediyay doorka bahda Caafimaadka dalkeenu ay ka qaataan horrumarinta nabadda iyo badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, Dhanka kale wuxuu shirku taageero u muujiyay bahda Caafimaadka adduunka iyo doorkooda nabada iyo horumarka bulshooyinka caalamka.

Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa shirka ka sheegay Dowladda Soomaaliya in ay ka go’antahay in la horumariyo nidaam Caafimaad oo kor u qaada bad-qabka shacabka Soomaaliyeed.

                                                                                           DHAMAAD

Previous Wasaaradda Caafimaadka oo ka qaybgashay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly)