Wasiirka Caafimaadka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirada XFS oo ansaxiyay Axdiga Xakameynta iyo ka hortagga Tubaakada.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa xarunta Hey’adda Caafimaadka aduunka EMRO ka shaaciyay in Dowlada Soomaliya ay si Rasmi ah ugu biirtay Heshiiska caalamiga ah ee Xakameynta iyo kahor tagga Tubaakada.

Dr Ali haji Adam Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay Axdiga Caalamiga ah ee Xakameynta iyo ka hortagga waxyaabaha laga sameeyo Tubaakada.

Talaabadan ay Xukuumadda qaaday ayaa ah mid looga hortagayo Dhibaatooyinka Caafimaad ee bulshada kasoo gaarta isticmaalka tubaakada iyo waxyaabaha laga sameeyo, waxayna arrintan qeyb ka tahay hiigsiga hanaan Caafimaad oo tayo leh islamarkaana ka hirgela guud ahaan dalka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an helitaanka Caafimaad dhamaystiran oo tayo leh islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gaaro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya.

Previous Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray banaadmijka ololaha dhiig shubidda.

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES