Wasiirka caafimaadka oo booqday xarunta Kelli dhaqista Banaadir (Banadir dialsysis centre) oo ah xarun loogu talagaley in loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta booqasho ku tagey xarunta Kelli dhaqista Banaadir (Banadir dialsysis centre) oo ah xarun loogu talagaley in loogu adeego bulsho waynta Soomaaliyeed.

Wakiilka Hey’adda IRVD Somalia Dr. Mohamed Hussein Mumin iyo Agaasimaha xaruunta Keliya dhaqista ee Banadir Dr. Ahmed Hassan Nur ayaa ku soo dhaweeyey xarunta Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyagoona siiyey warbixin ku saabsan adeegyada ay xarunta bixiso, waxaa sido kale so dhoweynta qeyb ka ahaa madaxa Program-ka IRVD ee Soomaaliya Omar Abdulle Osman.

Xarunta ayaa ah mid muhiin u ah bulsho waynta Soomaaliyeed waxaana loogu faa’ideyn doontaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee la daalaa dhacaya xanuunada ku dhaca Kelliyaha iyadoo si bilaash loogu dhaqayo muwaadin kasta oo ay xaaladdaas la soo darista, sidoo kale xarunta ayaa qabaneysa daaweynta bukaanada qaba xanuunada ku dhaca kelliyaha iyo talo bixin Caafimaad oo bilaash ah.

Xarunta oo dhawaan bilawday hawlaheeda adeeg bixinta waxa ay qaabishay 62 bukaan oo 27 kamida kelliya dhaqis bilaash ah oo si joogta ah loogu sameeyo iyo 35 bukaan oo iyaguna si joogta ah daaweyn iyo talo bixin loo siiyo.
Xarunta kelliya dhaqista Banaadir waxaa iska kaashaday Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Hay’ada samafalka ee Boqortooyada Sacuudiga Carabiya ee kingsalman Relief and Humanitrian Aid kingdom of Saudi Arabia oo maalgelisay iyo Hay’adda. International wars and disasters victims protection association IRVD Somalia.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa sidoo kale booqasho ku tagey Xarunta Bangiga dhiigga oo ima marayo heer gebagaba ah, waxa uuna lugta soo mariyey qeybaha oo dhan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta iyo tayeynta Caafimaadka si loo gaaro yoolka fog ee hiigsiga horumarinta Caafimaadka maadaama Caafimaadku yahay kan ugu muhiimsan adeegyada bulshada.

                                                                                  DHAMAAD

 
Previous Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Hamza Abdi Barre iyo Wasiirka Caafimaadka-XFS oo xariga ka jaray xarunta keydka daawada iyo qalabka

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES