Wasiirka Caafimaadka oo gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo Shirka madasha Bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada Caafimaad

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo Shirka madasha Bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada Caafimaad,(Middle Eastern conference for health services quality and safety).
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden waxaa halkaas kusoo dhaweeyay siihayaha Safaarada Soomaaliyeed ee dalka Qatar Ruun saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota Wasaarada Caafimaadka ee dalka Qatar.
Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda Caafimaadka ee kasoo qeyb galaysa Shirka isagoo kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta Caafimaadka maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna Caafimaadka iyadoo uu sidoo kalena dalalka qeybahooda Caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta Caafimaadka Soomaaliya iyo Mashaariicda lagu horumarinayo.
Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo hiigsiga hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka Caafimaadka.

                                                                                 DHAMAAD

 

Previous Meertada Sadexaad ee Shir Cilmiyeedka Cudurka Oofwareenka ee Wadamada Mandiqadda EMRO

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES