Wasiirka Caafimaadka oo ka qaybgalay shir heer sare ah oo looga tashanayo wax ka qabashada il ma aragtada adkaysiga u leh dawooyinka

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa ka qayb galaya shir heer sarre ah oo looga tashanayo wax ka qabashada il ma aragtada adkaysiga u leh dawooyinka.
Shirkan oo mudo labo maalmood ah ka socon doona Magaalada Muscat ee Dalka Cumaan ayaa waxaa isugu yimid Wasiiro ka socda wadamada caalamka iyo hay’addo caalami ah oo kala duwan, Soomaaliya waxaa shirkan ku matalaya wufuud ka kala socota Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
Shirka oo maanta bilowday ayaa wuxuu socon doonaa mudo labo maalmood ah waxaana la rajaynayaa inay kasoo baxaan talooyin muhiim u ah wax ka qabashada il ma aragtada u adkaysata dawooyinka oo dhib weyn ku haysa caafimaadka adduunka.
Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an hirgalinta talooyinka wax ku oolka ah ee kasoo baxa Shirka heerka Caalami ah ee looga hadlayo wax ka qabadka Il ma aragtada adkeysiga u leh Dawooyinka ee halista ku ah Caafimaadka Dalka
DHAMAAD
 
Previous Xuska Todobaadka wacyigelinta Bulshada ee ku Aadan daawooyinka jeermis-dilaha ee adkeysiga loo yeeshay

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES