Wafdi uu hugaaminaayo Wasiirka Wasaradda Caafimaadka Dr Ali Xaaji Aadam iyo Wasiiru Dowllaha wasaaradda Dr Maryma Maxamad Xuseen Duuliye ayaa maantay kulana la qaatay Madaxda Bankiga Aduunka ee xafiiska Soomaaliya (World Bank office-Somalia ). Wasiirka Waxaa kulanka ku wehliyay Agaasimaha Guud Ee Wasaardda Dr Abdinasir Mukhtar Ibrahim, Agaasimayaal waaxeedyo iyo Madaxa Mashruuca Damal Caafimaad oo Ay World Bangi ka taageerto Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , sidoo kale kulanka Waxaa qayb wayn ka ahaa Lataliyaasha Dhanka Siyaasadda iyo Cilmi baarista Caafimaadka ee Wasiirka iyo khubaro Caafimaad oo ka socday Wasaaradda.
Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamadda ay hugaanka cusub ee Wasaaradda ay xogta Kaaga qaadanaayeen Deeq bixiyayaasha iyo Hay’addaha taageera Caafimaadka dalka. Bankigga Aduunka (World Bank) ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka taageera mashaariic badan oo ay ka mid yihiin Xal u helista iyo ka hortaga COVID-19, Hirgelinta Mashruuca Damal Caafimaad oo ah Mashruuc wayn oo laga fulinaayo qaybaha ugu badan gobalada Dalka kaas oo la filaayo ina Caafimaadka Asaaasiga ah la gaarsiiyo dhamaan dadka danyarta ah meel walba oo la gaari karo dhamaan Gobolada Soomaaliya. Mashruuca Damal Caafimaad ayaa noqonaayo mashruucii ugu waynaa ee ay Wasaardda Caafimaadka ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya kaas oo ka shaqayn doono Caafimaadka Asaasiga ah ee loo baahnyanyahay.
Wasiirka Caafimaadka ayaa ka mahad celiyay taageerada Bankiga Aduunka siiyaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo gaar ahaan taageeraha Adeega Caafimaadka, sidoo kale Wasiirka ayaa ka mahad celiyay wadashaqaynta wacan ee kala dhaxayso Bankiga Aduunka Wasaaradda Caafimaadka ayakoo qayb wayn ka qaatay hormarinta Adeega Caafimaadka iyo habsami u socodka Shaqada Wasaaradda haday noqon laheed taageerida dhaqaalo oo ay ku bixiyaan mashaariicdda Caafimaadka dalka sida Marwo Caafimaad oo ah mashruuca Wayn oo ay World Bangi ku taageerto Caafimaadka Hooyadda iyo Dhallaanka Soomaaliyeed. Iyo Mashaariic kale oo badan.
Ugu damabayntii kulanka ayaa la isku racaay in la hormariyo Qorshayaasha iyo nidaamka Caafimaadka dalka si wadajir ahna looga wada shaqeeyo sidii loo gaari lahaa Caafimaad taya leh oo dhamaystiran kaas oo ay ka faaidaystaan dhamaan Bulshadda Soomaaliyeed.
DHAMAAD