Wasiirka caafimaadka oo qudbad ka jeediyay shir looga hadlaayay la dagaalanka Cudurka Qaaxada kaas lagu qabtay Magaalada New york

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr Ali Haji Aden ayaa Khudbad ka jeediyey Shir heerkiisu sareeyo oo looga hadlayey la dagaalanka Cudurka Qaaxada kaas lagu qabtay Magaalada New york ee uu kasocda Shirka Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey.

Madasha Waxaa ka soo qeybgaley Wasiiradda Caafimaadka dalalka Caalamka waxaana si diiran loogu lafagurey sidii loola dagaalami lahaa Cudurka Qaaxada oo wadama badan oo Caalamka ay bulshooyinkoodu la daalaa dhacayaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadaka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegey in Qaaxadu (TB) ay tahay dhibaato Caafimaad oo caalami ah, oo saamaysa shakhsiyaadka iyo bulshooyinka adduunka oo dhan, waxa uuna xusey in TB-du tahy caqabad wayn oo ku horgudban Caafimaadka iyo horumarka ummadaha Caalamka, waxa uu sidoo kale farta ku fiiqey in fiiro gaar ah loo yeesho, ballan-qaadyada ka soo baxa madasha, iyo tallaabooyinka istiraatijiyadeed ee ka dhanka ah Qaaxada.

Wasiirka ayaa sidoo kale yiri TB-du waxay dhibaato iyo culays xooggan ku heysaa bulshooyinkeena, Baahsanaanta Qaaxada ee Soomaaliya waxay ka tarjumaysaa farqiga ballaaran ee caalamiga ah ee helitaanka daryeelka caafimaadka iyo tayada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay ballaarisey baarista iyo daawaynta Qaaxada taas oo qayb ka ah kordhinta adeegga daboolida Xirmooyinka Caafimaadka aas aasiga ah (EPHS) waxayna Wasaaraddu qorsheynaysaa in marba marka ka dambeeya ay sii kordhiso korna u qaado adeeg bixinta la dagaalanka Cudurka Qaaxada si bulshadeenu u hesho xasilooni Caafimaad oo tayo leh.

                                                                                    DHAMAAD

Previous Waa waajib in Masuuliyiinta iyo Shacabkuba sii laba laabno la dagaalanka khawaarijta looga sifeynayo Dalkeena Soomaaliya.

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES