Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Cali xaaji Aadam oo booqasho ku tagay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Masar

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo booqasho ku tagey Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Dalka Masar halkaas oo uu si diiran uu ugu soo dhaweeyey Safiirka Safaaradda.
Wasiirka ayaa Ardayda kula kulmay xarunta Safaaradda Soomaaliyeed ee Masar, halkaas oo uu kusoo dhaweeyey Amb. Ilyaas Sheekh Cumar Safiirka Soomaaliya ee Masar iyo howl wadeenada kale ee Safaaradda
Wasiirka ayaa Ardayda ka dhagaystay caqabadaha soo waajahdo mararka qaar iyo talooyin ku saabsan qaabka loo horumarinkaro arimaha Caafimaadka wadankeena maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka soo koraya gaar ahaan dhanka Caafimaadka oo ka mid ah qeybaha ugu muhiimsan ee Dalka.
Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku booriyay Ardeyda in ay waxbarashadooda dhameystaan oo ay wadankooda wax kusoo kordhiyaan una dhabar adeygaan caqabadkasta oo hakad galin karta halganka waxbarashadooda.
Ugu dambey Wasiirka ayaa ugu mahadceliyay Safiirka iyo howlwadeenada kale ee Safaaradda doorka ay ka qaadanayaan in Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Masar ay hellaan adeegyada Dowladeed ee ay u baahan yihiin iyo sida ay u garab istaagto mararka ay soo wajahdo xaaladaha qaar iyo sida kulanka ay usoo qabanqaabisey.
DHAMAAD

 

Previous Xuska Maalinta Caafimaadka Dhimirka Aduunka Halku dhigga Sanadkaan: Aan Mudnaan gaar ah siino Caafimaadka Dhimrika iyo Badqabka Bulshadeena

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES