Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta booqday xaaladaha dhaawacyadii laga keeney Magaaladda Baladweyne.
Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Recep Tayyip Erdoğan (Ex Digfeer ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyadii laga keeney dhawaan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Wasiirka ayaa dhaawacyada u dul istaagey mid, mid isagoona xogwareysanayey dhaawacyada xaaladdooda, Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada inkastoo ay jiraan kiisas yar oo u baahan dibadda, dhanka kale qaar kamida bukaanada ayaa kamadceliyay baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad ee loo fidiyay
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad Sariic ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.
Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiraan.
DHAMAAD







