Wasiirka Caafimaadka , oo maanta gaaray Magaalada Kismaayo si uu xariga kaga soo jaro Shaybaarka guud ee Jubaland iyo Warshad sameysa Oxygen-ka oo laga hirgaliyey Kismaayo

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maanta gaarey Magaalada Kismaayo halkaas oo uu xariga kaga soo jarey Shaybaarka guud ee Jubaland iyo Warshad sameysa Oxygen-ka oo laga hirgaliyey Kismaayo.
Wasiirka waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Mas’uuliin uu hor kacayey Wasiirka Caafimaadka Jubaland Maxamed Cabdi Oogle iyo Dr. Mamunur Rahman Maliki, Madaxa Urrurka Caafimaadka Adduunka ( WHO) ee Soomaaliya.
Wasiirka ayaa Xariga ka jarey Shaybaarka guud ee Jubaland iyo Warshad loogu tala galey samaynta Oxygen-ka oo deegaanada Jubaland baahi wayn looga qabey, wasiirka ayaa sheegey in tani ka mid tahay tallaabooyinka loo qaadey dhanka horumarka.
Wasiirka ayaa maamulka Jubaland ku bogaadiyey dadaalada lagu horumarinayo deegaanada Jubbooyinka isagoona soo hadal
qaadey in ka wasaarad ahaan ay ka go’an yahay in horumarin ballaaran oo iskaashi ah laga sameynayo Wasaaradda Caafimaadka Jubaland oo adeeg mumihiin ah u heyso isla markaana ay tahay qeyb laf dhabar u ah bulshada Jubaland.
Wasiirka waxa sidoo kale kormeer ku tahey xarumaha Caafimaadka magaalada Kismaayo oo lagula tacaalayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan u xanuunsanaya ee ku jira Isbitaalada Degmada Kismaayo waxa uuna bogaadin u jeediyey bahda Caafimaadka Jubaland.
Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku simaha Madaxweynaha Jubaland ahna Madacweyne kuxigeenka labaad ee Jubaland Cabdul Qaadir Xaaji Maxamuud, Wasiirka Caafimaadka Jubaland Maxamed Cabdi Oogle iyo dhamaan madaxda Jubaland ku amaaney sida ay markasta ugu taagan yihiin horumarka deegaanada Jubaland.
DHAMAAD
       
Previous Ujeedo: Wargelin Joojinta Warqadda Cadeynta Baaritaanada Caabuqa COVID-19 (PCR & Rapid) ee Dadka Socdaalka ah