Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee XFS, oo maantay Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Xukuuma Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maantay Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed. Kulanka Wasiirka waxaa ku wehliyey Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen Duulliye, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr Maxamed Xasan Maxamed iyo lataliyaal Sare.
Madaxda ka socotey Midowga Bangiyada Soomaaliyeed ayaa warbixino ku saabsan wadashaqeynta aan xaddiga la hayn ee kala dhaxeysa Wasaaradda u gudbiyey Madaxda Wasaaradda Caafimaadka. Somali Banks Association ayaa bogaadisey in Wasiirku aqoonsaday kaalinta ay Bangiyadu ku leeyihiin Horumarinta Caafimaadka dalka oo markasta ay qeyb wayn ka yihiin, Waxayna xuseen in ay sii wadi doonaan howlaha ay gacanta ka geystaan ee isugu jira kuwa u baahan in markasto laga jawaabo maadaama Soomaaliya ay ku jirto xaalad Soo kabasho oo dhankasta ah.
Midowga Bangiyada ayaa hoosta ka xariiqey in ay maalgelin doonaan Mashaariicda Caafimaadka oo ah meelaha mudan in kor loo qaado maadaama Bulshadeenu u baahan tahay adeeg Caafimaad oo deegaan kasta gaara, waxayna ku tilmaameen gudasho waajib oo ka saaran Bulshadooda ( Corporate Social Responsibility) CSR. Wasiirka ayaa ugu dambeyn Madaxda Midwoga Bangiyada Soomaaliyeed ku booriyay in Maalgashi lagu sameeyo Qeybta Caafimaadka si loo helo habka daadajinta adeegga Caafimaadka.
END
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuuma Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan oo maantay Xafiiskiisa Ku qaabiley Madaxda Midowga Bangiyada Soomaaliyeed.  
Previous Wasiirka Caafimaadka ayaa kulan la qaatay koox ka socotay xafiiska (FCDO) & Danjiraha Safaaradda Ingriiska ee Soomaaliya

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES