Wasiirka Caafimaadka ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka qaran ee Qaraxii Zoobe 2 oo Caawa deeq Dawo ah kala wareegey Ganacsatada Daawalayda Soomaaliyeed

Wasiirka iyo xubnaha Guddiga gurmadka Qaran ayaa 220 kartoon oo loogu tala galey gurmadka dadkii ku dhaawacmey Qaraxyadii 29-kii October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kala wareegey Ururka Gancstada Daawalayda Soomaaliyeed oo markii labaad deeq dawo ah kaga qeyb qaadanaya gurmadka muwaadiniinta ay dhibaateeyeen Argagixisada.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga gurmadka Qaran ee Qaraxyadii Zoobe Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka mahadceliyey Deeqdan Dawada ah ee Daawaleyda Soomaaliyeed ku caawiyeen Walaalahooda dhibaateysan isagoona Wasiirka si guud uga baaqey ganacsatada Soomaaliyeed in dadaalada ay kaga qeyb qaadanayaan gurmadka ay kor u qaadaan.
DHAMAAD
Previous Wasiiru Dowlaha Wasraadda Caafimaadka HE.Dr Maryamo Maxamud Xuseen ayaa kurmeer ku tagta Isbitaalka  Guud ee Demartino Hospital

WASAARDDA

©Copyright 2023. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES