Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan oo booqday Isbitaalada la geeyey dadkii ku dhaawacmeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Moqdishu

Wasiirka ayaa Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada Digfeer iyo Madiina ka dhageystey warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyada halka Maamulka Isbitaalada gaarka loo leeyahayna uu qadka Telfoonka kula xiriirey si uu uga xog wareysto xaaladda dhawacyada la gaarsiiyey xarumahooda Caafimaad.
Wasiirka ayaa dhaawacyada yaala Isbitaalada Madiina iyo Erdogan Ex Digfeer u dul istaagey mid mid waxa uuna Maamulka iyo Dhaqaatiirta farey in ay hellaan adeeg Caafimaad oo dhameystiran si cadowga loo tuso in dadkan aysan waxba katari karin talaabo kasto oo guracan oo ay qaadaan.
Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalada uu Wasiirka tagey ayaa rajo fiican ka muujiyey xaaladda Caafimaad ee dhaawacyada qaar kood inkastoo ay jiraan kiisas culus oo u baahan dibadda, waxa ayna sheegeen in ay helli doonaan baxnaano fiican iyo adeeg Caafimaad oo tayo leh.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa dhaawacyada Alle ugu baryey in Caafimaad deg deg ah siiyo, sidoo kalena sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si hoose ugu warqabi doonto talaabooyinka la xiriira baxnaanintooda.
Ugu dambeyna Dr Cali Xaaji Aadan Wasiirka Caaafimaadka Soomaaliya ayaa sheegey in Wasaaradda ay ka shaqeyn doonta dadka u baahan in ay hellaan Caafimaad banaanka ah sidii ay ku helli lahaayeen Caafimaad dibadda ah maadaama kiisas u baahan dibadda ay jiri karaan.
DHAMAAD
Previous UJEEDO: MAGACAABIDDA GUDIGA QARAN EE GURMADKA CAAFIMAADKA

WASAARDDA

©Copyright 2022. FEDERAL MINISTRY OF HEALTH AND HUMAN SERVICES